Ururka Jaamacadda Carabta oo ka hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Jaamacadda Carabta ayaa ka hadashay khiklaafka doorashooyinka ee Soomaaliya , waxayna ugu baaqday  dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya in ay wada-hadal ka yeeshaan khilaafka u dhexeeya, si loo qabto doorashooyinka dalka.

War Qoraal ah oo ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta, ayaa lagu bogaadiyay in dadaallada ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, oo ay wadaan madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

Jaamacadda Carabta, ayaa sidoo kale soo dhoweeyay Shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo sida qorshaysan loo ballansanyahay 15-ka bishan February 2021.

Warkaanka soo baxay Jaamacadda Carabka ayaa ku soo aadaya xilli khilaafka xoogan uu ka taagan yahay arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com