Wakiilo ka socda Dawlad goboleedyada oo maanta ku wajahan Baydhaba

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in wakiilo ka socda Dawlada Goboleedyada maanta ay ku sii jeedaan Magaaladaasi.

Xubnahaasi ka socda Maamul goboleedyada ayaa Baydhaba kaga arinsan doon khilaafka ka taagan doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Xubnaha baydhaba ku kulmayaa ayaa ka kala socda dhammaan dawlad goboleedyada iyo gobolka banaadir maamul kasta ayaa loo ogolaaday in laba xubnood shirka ay uga   qayb galaan

Hase ahaatee shirkaan Baydhaba ka Furmaya ayaa Ujeedkiisu waxaa ay tahay sidii xal looga gaari lahaa qilaafka doorashada iyadoo beesha caalmakana ay ku cadaadinayaan madaxda Dawlada Federaalka iyo Dawlad goboleedyada in xal deg deg ah ka gaaraan khilaafka doorashada.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com