Shirka khamiis laha ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, Xubin Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyadoo la soo bandhigay qorshaha Korontada dalka.
Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, taasoo ku aadan xasilinta iyo howlgallada amniga dalka.
Wasaaradaha ayaa xaqiijiyey in la dardargelinayo howlgallada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta dalka, xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka.
Shirka Golaha Wasiirrada oo guddoominayay Raโiisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku u soo bandhigtay xaaladihii u danbeeyey ee Caabuqa Covid19 iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada, waxayna xukuumaddu boggaadisay dadaalka lagu badbaadinayo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada.
Xafiiska Wararka Muqdisho.