Ciidanka PMPF ee Puntland oo Halwgal ka Sameeyay Xeebaha Gobolka Bari

Ciidamada badda dowladda Puntland ee loo yaqaan PMPF, ayaa hawgal ka Sameeyay xeebaha   degmooyin ka tirsan Gobolada Bari .

Wararka ayaa sheegaya Hawlgalkaan uu ka dhacay degaanada Xeebta ee kala ah Buruc, Bacaad, Qandalaha Dhurbo iyo Xaabo oo dhammaantood ka tirsan Gobolada Bari iyo Gardafuu.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka ilaalada Xeebaha Puntland ee loo yaqaan PMPF, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas bartil-maameedkiisu ahaa Kalluumeysiga sharci-darrada ah, Argagixisada iyo Burcad-badeedda.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland qoraalkooda kuma aysan sheegin Haddii jiraan kalluumeysato si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha gobolka Bari oo Hawlgalka lagu soo qabtay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com.