Xukuumadda Federaalka oo ku Adkeysatay in shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo uu Garowe ka dhaco

Wasiirka Wasaarada warfaafinta ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay in shirka wada tashiga uu ka dhaco magaalada Garowe.

Wasiirka Dubbe oo warbaahinta lahadlayay ayaa sheegay in aysan la ahayn in dood laga keeno in Garowe oo ah magaalo nabadeed uu filayo lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada.

Mr.Dubbe wuxuu sheegay dowladda Federaalka in ay ka go’an tahay in ay qabato doorashooyin loo dhan yahay, wuxuuna tilmaamay in ay soo dhoweynayaan baaqii kasoo baxay golaha ammaanka oo ahaa in xal degdeg ah laga gaaro culeysyada hortaagan doorashada.

warkaan ka soo baxay wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Duubbe ayaa kusoo beegmaya xilli maamulada, Puntland Jubbaland  iyo Gudoomiyaha Aqalka sare ay ku taliyeen in shirka  15 bishaan febraayo uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo lagu qabto Magaalada Muqdisho beesha caalamkana kor joogto ay ka noqoto.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com