Ra’iisal Wasaare Rooble oo maanta khudbad u Jeediyay Xildhibaanada Golaha shacabka

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo khudbad u jeediyay Xildhibaanad Golaha Shacabka, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saartay xal u helidda Khilaafka Arrimaha Doorashada.

Ra’iisa Wasaaraha ayaa  tilmaamay in Xukuumaddiisu dadaal ay ku bixisay sidii loo Afjari lahaa lahaa khilafka la xiriira  hirgelinta Doorashada, si loo qabto Doorasho ay heshiis ku yihiin dhammaan dhinacyada Siyaasadda.

Ra’iisal Wasaare Rooble , ayaa xusay in degaanada maamul Goboleedyada qaarkood uu u tagay Kulamo wada-tashi ah, oo ku saabsan Arrimaha Doorashada, islamarkaana uu tanaasul badan u muujiyay Madaxdii uu la kulmay, balse aan lagu guulaysan xallinta Khilaafkii jiray.

Sidoo kale, wuxu xaqiijiyay in Xukuumaddiisu ay xil iska saartay Sugidda Amniga Doorashada, iyadoo diyaarisay dhammaan Miisaaniyaddii ku bixi lahayd qabsoomidda Doorashada, marai la xalliyo murunka ka jirahirgelinta doorashada.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa khudbadiisa kaga hadlay Shirka  Doorashada ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo  15-ka bishaan Febraayo, waxaana  uu ku baaqay   in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada

Khubada uu Ra’iisal Wasaare Rooble maanta u jeediyay xildhibaanada golaha shacabka ayaa siyaasiyiinta qaarkood waxa ay u maleeyeen in maanta Xildhibaanada Golaha shacabka Ra’iisal Wasaaruhu doonayay in uu ka codsado muddo kororsi balse taasi ma aysan dhicin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com