Xuska sanad guuradii 56 aad ee ciidanka badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasanbada ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saraakiil Ciidan iyo Marti sharaf kale .
Mas’uuliyiinta ka qayb gashay munaasabada ayaa kala ah Wasiirka gaashaandhiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, taliyaha ciidanka cirka Soomaaliya, sareeyo guuto Maxamed Sheekh Cali (Dable Bayloot) iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda.
Xubnihii ka qayb galay Munaasabadaasi ayaa mahad celin iyo boogaadin u jeediyay Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo bur burkii ka dib la Aasaasay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com