Jubland oo soo dhoweeysay shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Maamulka Jubaland ayaa soo dhoweeyay shirka 15-ka bishan Febraayo la isugu imaanayo  ee looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Jubland ayaa soo saartay qoraal ay kaga hadlayso qabashada shirka loo ballamay 15 bishaan Febraayo waxaana ay soo dhaweysay Mowqifka Puntland ee shirkaasi ay ka taagan tahay

“Dowlada Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo.”

Jubaland waxay taageertay mowqifka Puntland oo ah in Shirka lagu qabto magaalada Muqdisho”Dowlada Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.”

Sidoo kale  Maamulka Jubaland ayaa ku baaqay in dhammaan Saamileeyda Siyaasadeed ee dalka laga qayb-geliyo Shirkaa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com