Beesha Caalamka oo kulan la yeelatay Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed

Xubnaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa kulan ka yeeshay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka

Kulankaan oo ku qabsamay Mareegta intrnetka ee Zoomka ayaa xubnaha Beesha  Caalamka waxaa ay warbixin uga dhageysteen Ururada Bulshada Rayidka ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay kulankii ay la yeesheen Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyed

“Wakiillada saaxibbada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa kulan miro dhal ah oo khadka Internet-ka ah la yeeshay kooxaha bulshada rayidka ah, iyagoo dhagaystay aragtiyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan arrimaha xilligan saameynta ku leh Soomaalida, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada,” ayaa lagu yiri qoraalka oo la soo dhigay bogga UNSOM.

Xubnaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo uu Hogaaminaayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swon ayaa dardar gelinaya wada xaajoodyada Siyaasadeed ee Dalka maadaama uu waqtiga ka dhammaaday Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya si ay doorasho dalka uga dhacdo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com