Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay ayaa soo dhaweeyay shirka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku baaqay in bartamaha bishan ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada isugu yimaadaan magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.
qoraal oo uu soo saaray golaha Amaanka ee Qaramada ayaa lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo wadahadallada cusub ee lagu baaqay 15-ka Febraayo.
Qoraalka ka soo baxaya Golaha Amaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay dib u billaabaan wadaxaajoodka isla markaana ay ka wada shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo ay ka heshiiyaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho loo wada dhan yahay.
Golahani ayaa go’aankani qaatay kaddib markii uu warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya uu ka dhageystay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan.
Go’aankan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo baxay saacado uun kaddib markii maadxweyne Farmaajo uu soo jeediyay in 15-ka bishan shir kale lagu qabto magaalada Garoowe, shirkaasi oo uu sheegay in uu dhammaystir u noqonayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-Sebteembar 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com