Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Gudoonka Golaha shacabka

Madaxweynaha  Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxdtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka Golaha Shacabka ay ka wadahadleen sidii doorasho uga dhici lahayd dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoonka Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo dar dargelinaya sidii dooarsho loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd waqtiyada soo socda Haddii lagu heshiiyo balse Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa culeysyo siyaasadeed kala kulmeysa Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com