Ra’iisal Wasaare Rooble oo dhagax dhigay Mashruuca dhismaha Isbitaalka Yardimeli

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu ballaarinayo Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho.

Mashruuca balaarinta isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Yardimeli ee magaalada Muqdisho waxaa maalgelinay hey’adda Tika  ee Turkiga .

Munaasabad oo lagu qabtay isbitaalka ayaa waxaa ka qeybgalay, mas’uuliyiin  ay kamid yihiin wasiirka waxbarashada, wasiir ku xigeenka caafimaadka, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Isbitaalka Yardimeli, oo ku yaala degmada Xamar Jajab, waxaa horey u dhistay Hay,adda TIka ee dalka Turkiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com