Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo dib ugu laabtay Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu  laabtay Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta Maamulka Galmudug halkaas oo ay uga qayb galeen shirkii madaxda Dawlada Federaalka , Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir shirkaas oo aan wax Hormar ah laga gaarin .

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo   shirkii fashilmay ee Dhuusamareeb iyo shirarkii kale   ee ay Dhuusamareeb ku yeeshen madaxda Dowlad Goboleedyada .

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com