Maraykanka oo ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya

Dawlada Mareykanka ayaa madaxda Dawlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabtaan jahwareerka siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay  xarunta Safaaradda Mareykanka uu ku lee yahay  Muqdisho ayaa loogu baaqay Madaxweyne  in heshiis uu  la gaaro madaxda Dowlad Goboleedyada, si doorashada  baarlamaanka iyo tan madaxweynaha loo qabto.

Mareykanku wuxuu ku taliyay  in madaxda Federaalka iyo maamuln Goboleedyada ay  xal ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyay qabashada doorashada  , taas badalkeedana ay ka shaqeeyaan danta shacabka.

Mareykanka ayaa  tilmamay khilaafka siyaasadeed in uu keenay horumar la’aan niyad jab leh oo ku saabsan  dagaalka Al-shabaab, horumarinta amniga iyo wax ka qabashada masiibooyin kale oo halista ah

Qoraalkaan ka soo baxay safaarada maraykank ee soomaaliya ayaa u muuqda mid  lagu cadaadinaayo madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaaday  ee Farmaajo iyo Madaxda Dawlad goboleedyada ay qabtaan doorasho deg deg ah si dalka uusan u gelin xasilooni darro siyaasadeed ee dalka ka dhalata.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com