Golaha Midowga Musharixiinta oo sheegay in 8 Febraayo 2021 wixii ka bilowda Farmaajo ay u Aqoonsanayaan Madaxweyne Hore

  Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war saxaafadeed  ay soo saareen waxay ku sheegeen in wixii ka bilowda 8 February 2021 aanay Madaxweyne Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay  in la dhiso Gole Qaran oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya , madaxda Dowlad Goboleedyada, wakiilo ka socda Musharaxiinta iyo Ururada Bulshada rayidka ah .

“Laga bilaabo 8 February 2021 Golaha Midowga Musharaxiinta uma aqoonsana Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa muddo kororsi”ayaa lagu yiri war saxafadeedka.

Sidoo kale  Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa  Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadayu soo jeediyay  inuu dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansamo, si uusan u lumin xuquuqda uu leeyahay Madaxweyne hore, taasoo shardiga ku xiran uu yahay inuu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

Hoos ka Akhriso War saxafadeedka Midowga Musharixiinta :

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com