Amisom oo sheegtay in diyaarad ay uga bur burtay Balidoogle

Hawlgalka ciidamada Midowga Afrika eeSoomaaliya   ayaa Xaqiijiyay  in mid ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helicopterka  loo yaqaan Islamarkana ay adeegsadaan ciidamada AMISOM ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Diyaaradda ayaa la sheegay in shil  ay gashay wax yar kadib markii ay ka kacday garoonka Balligoodle maalintii Jimcaha ee 5-ta Febraayo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada AMISOM.

AMISOM waxay intaas ku dartay in afar askari oo saarnayd diyaaradda la badbaadiyey, haatanna xaaladdooda caafimaad deggen tahay.

AMISOM waxay sidoo kale sheegtay in baaritaan uu socdo hase yeeshee warbixinta hordhaca ah ay muujinayso in diyaaradda ay haysay cillad dhinaca farsamada ah.

AMISOM wxaay sheegtay in diyaaraddaasi ay ka tirsanayd qaybta hawada ee hawlgalka AMISOM ayna lahaayeen ciidamada Uganda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com