Puntland oo shaacisay in Madaxweyne Farmaajo u Aqoosan doonin Madaxweynaha Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta Maamulka  Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, ayaa warbaahinta u sheegay in Dawlad goboleedka Puntland ay madaxweyne Farmaajo u aqoonsan doonto mas’uul hore, islamarkaana ugu yeeri doonto “madaxweynihii hore ee dalka“.

Wasiir Tima-cadde ayaa madaxweyne Farmaajo  ku eedeeyay fashilka ku yimid Shirkii Dhuusamareeb, kaas oo natiijo la’aan ku  soo idlaaday ,.

Sidoo kale, wasiirka Warfaafinta Puntaland ayaa madaxda dowlad goboleedyada dalka raalli-gelin ka siiyay hadalkii madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Siciid Deni oo keliya uu qortay Heshiiskii Arrimaha doorashada ee 17-kii September.

War ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland ayaa ku soo aadaya iyadoo Muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo  ku eg tahay 8 Febraayo oo maalinta berri  ah  ku beegan waxaana Madaxweyne Farmaajo lagu Eedeeyay in uu ku fashilmay in uu doorashada waqtigeeda ku qabto.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com