Ciidanka Amisom oo duqeeyay guryo ay degan yihiin Dad shacab ah

Wararka ka imaanaya Gobolka shabeelaha Hoose aya sheegaya in Ciidamada  AMSIOM ee ku  sugan gobolka shabeelaha Hoose  ay Madaafiic ku duqeeysay  Tuulada Mushaani oo ka Tirsan degaanka Janaalle ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la soo  sheegayaa  ay sababtay  khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay madaafiicda.

Ilaa 2 Caruur ah ayaala soo sheegaya in ay  ku geeriyoodeen duqeynta madaafiicda ah  3 kale  oo ku jirto hooyadii dhashay Caruurta geeriyootay ay ku dhaawacmeen Madafaaciicda Amisom ay ku gaaraacen Tulada Mushaani.

Ciidamada Amisom eek u sugan gobolka shabeelaha Hoose ayaa weeraro kala kulma Alshabaabka ku sugan shabeelaha Hoose waxaana weerarada loo geysto Amisom iyana jawaab ay kaga dhigaan madaafiic  taasoo waxyeelo u geysata Dadka shacabka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com