Prof Xasan Sheekh oo kamid ah Aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho kana Tirsan Macalimiinta Jaamacadda Umadda ayaa ka halay Khudbadii uu shalay Baarlamaalanka ka jeediyey Madaxwayne Farmaajo.
Sidoo kale Prof Xasan shekh Cali ayaa dhaliilay warbixinta uu Madaxwayne ee la xiirtay Heshiiskii Heshiiskii 17 Sebtembar oo ah in Madaxwaynaha Puntland uu Qoray Heshiiskaasi.
“Haddii Madaxweyne Farmaajo uu ku shaqeynayey Barnaamij uu Siciid Deni soo qortay muu talada dalka ku wareejiyo Deni doorasho ha qabtee illeen isagu wax ma qabankaree” ayuu yri Por Xasan shekh
Sidoo kale Prof Xasan sheikh Cali Nuur ayaa ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo inuu ku Fashilmay Hoggaaminta dalka.
“Farmaajo 4-sano ayaa isaga oo Fashil ah loo samrayey waa inuu umadda Soomaaliyeed ka hor-wareego meeshuu rabo ha aadee” Ayuu yiri Prof Xasan sheikh Cali .
Porf Xasan Sheekh Cali Nuur ayaa Ugu dambeyntii sheegay in Dalkaan uu u baahan yahay badbado si aysan u dhicin Firaaq dastuuri ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com