Madaxweyne Farmaajo oo khudbad Xasaasi ah u Jeediyay Xildhibaanada Golaha shacabka

 Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi  Farmaajo khudbad u jeediyay xildhibaanada Golaha Shacabka uu uga war bixiyay maraxaladihii  uu soo maray khilaafka ka Taagan Hannaanka doorashada dalka iyoHalka uu  marayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ku eedeeyay in ay hortaagan  yihiin fulinta heshiiskii doorashada ee 17 September 2020.

Sidoo kale Wuxuu sheegay in heshiiskii siyaasadeed ee 17 September 2020, ay wadagaareen madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, uu qoray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, wuxuuna tilmaamay in labo fikradood oo uu ku darsaday heshiiskaas laga diiday, kuwaas oo kala lahaa in gudigii hore ee Xaliimo yarey hoggaaminaysay

Wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay sidii loo fulin lahaa heshiiskii la saxiixay 17 September 2020, balse haddii uu suutogeli waayo uu mar kale Baarlamaanka horkeeni doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in doorshada Soomaaliya ay faragelin ku hayaan dalal shisheeye oo uusan xusin magacyadooda.

Khudbad Maanta uu Madaxweyne Farmaajo ka horjeediyay Xildhibanada Golaha shacabaka ayaa  ku soo aadeysa iyadoo uu natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday Shirkii Dhuusamareeb sidoo kalena shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiintaba ay sugaayeen waxa keenay in kulanka deg dega ah ee Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray Xildhibaanada Golaha shacabka taasi oo loo mooday in muddo kordhin uu weydiisan rabay in loo sameeyo Dawladiisa

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com