Gudoomiyhii hore Gobolka Banaadir Mr Taabit Cabdi Maxamed oo Nasiib darro ku tilmaamay natiijo la’aanta shirkii Dhusamareeb

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa  nasiib darro ku tilmamay in shirkii Dhuusamareeb uga socday Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir uu natiijo la,aan ku soo idladay.

Qoraal uu bartiisa Face buugga soo dhigay Taabid Cabdi Maxamed ayuu kaga hadlay Fashil ku yimid shirkii Dhuusamareeb.

Qoraalka ayaa u qonaa sidaan”

Waa nasiib darro in shirkii #Dhuusamareeb uu natiijo la’aan ku soo idlaaday, xalay gudcurkii dambana shir jaraa’id oo wareer cawo ah la qabtay halkii loo waabariisan lahaa.

Rajada iyo dulqaadka haray wuxuu ahaa in shirka aan lagu soo kala tagin heshiis la’aan, balse waxaanan garan waxa xamar loogu soo degdegayo oo aanan ka aheyn xaalad abuur.

Waxaan ugu baaqeynaa Baarlamaanka labbada Aqal ee DFS iyo cid kasta oo u diir naxeysa shacabkeena daallan, in aanan looga sii darin xaaladdan xikmad beelka ah. Qof walboow mas’uuliyad baa ku saaran ee ogow.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com