Dawlada Indoneysa oo Mamnuucday in Ardayda lagu qasbo in ay Xertaan Xijaab

Ka dib markii uu bulshada aad ugu dhex faafay muuqaal muujinaya ardayad Masiixiyad ah oo lagu dirqiyayo in ay fasalka ku dhax xirato khimaar, ayaa Indonesia dugsiyada dawladda ka mamnuucday in labiska diimeed lagu khasbo ardayda.

Gabadhaas 16 jir ka ah ayaa dhigata dugsi uu ka jiro sharci [hablaha] ardayda ah ku waajibinaya in ay xirtaan khimaar.

Xukuumadda ayaa haatan u qabatay iskuulada muddo 30 casho ah in ay xeerarka noocaas ah ku laalaan.

Indonesia oo ah dal aqlabiyadiisu Muslimiin tahay ayaa si rasmi ah u aqoonsan diimaha kale.

Laakiin waxa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo dulqaad la’aanta dhanka diimaha ee dalka ka jira.

Amarkan xukuumadda Indoneysiya ayaa ku soo baxay wareegto Arabacadii la soo saaray, waxaana lagu sheegay in dugsiyada u hogaansami waayaa ciqaab mutaysan doonaan.

Wasiirka waxbarashada iyo dhaqanka Indonesia, Nadiem Makrim, ayaa sheegay in doorashada xerashada lebiska diimeed yahay “xaq shakhsi ah ee aanu ahayn go’aan dugsi”.

Arintani waxay todobaadadii u dambeeyey soo jiidatay dareenka dadweynaha markii ardayadaa oo ay dhaleen qoys Masiixiyiin ah oo dhigata dugsi farsamada gacanta ah oo ku yaal Padang marar badan la faray in ay fasalka dhexdiisa ku xirato khimaar bishii Jeeniweri Way diiday ka dibna maamulka iskuulka ayaa waalidkeed u yeeray si ay ugala hadlaan.

Waalidkeed ayaa kulankaa maamulka dusiga ay la qaateen si qarsoodi ah uga duubay muuqaal oo dabadeed na ku faafiyey baraha bulshada, waxaana ka dhashay cadho.

Muuqaalka ayaa waxa ka muuqda iyadoo maamulaha dusgigu ku adkaysanayo in arintu tahay sharci iskuulka u yaal oo faraya dhamaan hablaha ardayda ah, xataa kuwa aan Muslmiinta ahayn in ay xirtaan khimaar oo ay raacaan sharciga dusiga u yaal.

Xafiiska Wararka Muqdisho

  Info@aragticusub.com