Dib u dhac ku yimid shir deg deg ah uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya

 

dib u dhac ayaa ku yimid shir uu  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi uu isugu yeeray 5-ta bisha bishaan Febraayo  oo maanta ku beegan, shirkaas oo ay isugu imaan lahaayeen xildhibaanada  labada gole ee baarlamanka Soomaaliya si khudbad ugu jeediyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu wargeliyay in shirkii  maanta Jimcaha u Sabtida laysugu imaan doono,  Waxaana kulanka dib loogu dhigay laba qodob oo kala ah.

– In madaxweynaha wali uu kasoo dhamaan shirkii Dhuusamareeb oo qaatay waqti dheeraad ah,

– In maanta tahay maalin fasax ama nasiino maadaama inta badan Jimcaha bulshada Soomaaliyeed ay nastaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay ka diideen in Jimco baarlamaanka la shiriyo maadaama ay maalintaas ka mid tahay maalmaha fasaxa baarlamaanka.

Maalinta Sabtida beri  oo ku beegan 6-bishaan Febrayo  ayaa loo qorsheeyay in kulankaan deg dega ah dhaco, waxa uuna Madaxweynaha Soomaaliya ka hadli doonaa xaaladda dalka iyo shirka Dhuusamareeb.

Dadka Falan qeeya Arimaha Siyaasada ayaa sheegay in kulanka deg dega ah ee Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay noqon karto in labada Gole Madaxweynaha muddo kororsi uu weydiisanayo si waqti ku filan uu ugu helo qabshada doorashada

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com