Ciidanka Dawlada oo Xubno ka Tirsan Alshabaab ku dilay duleedka Dhuusamareeb ka dib Gaadiid iyo Hub ay wateen la wareegay Daawo+Sawiro

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug  ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa shaaca ka qaaday  in ay xalay hawlgal qorshaysan ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, oo hoobiyaal ku weeraray Dhuusamareeb.

Saraakiishaasi  CiidamadaDawlada iyo kuwa maamulka Galmudug  oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay hawlgalka ay  ku dileen illaa iyo  8 qof oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Gaadiidkii iyo Hub ay wateen.

Hawgalkaasi ayaa ku soo aadaya madaafiic Hoobiyaal ah  oo laga maqlay Dhuusamareeb, waxaana ku xigay dagaal duleedka magaalada ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo shabaabka weerarka soo qaaday oo markiiloo Awood sheegtay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com