Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Hindise sharciyeedka diiwaan gelinta Codbixiyaasha

Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilada Puntland Fadhigiisa 26-aad oo  ay maanta  soo xaadireen 42 Xildhibaan, waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril, iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada puntland  ayaa cod u qaaday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha waxaana u codeyay Ogol 40 Xildhibaan, 2 xildhibaan ayaa diiday, halka aysan jirin cid ka aamustay.

Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha ayaa si faah-faahsan uga hadlaya dadka xaqa u leh is diiwaan-gelinta, habka diiwaan-gelinta, hir-gelinta wacyi-gelinta diiwaanka cod-bixinta, waxa uuna ka kooban yahay 36 Qodob.

Madaxweynaha Puntland Sacid Cabdilaahi Deni ayaa dhawaan sharcgaasi u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Puntland si loo meelmariyo maantana waa la Ansixiyay

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com