Alshabaab oo khasaare kala kulmay Weerar ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dawlada ay ku lee yihiin degaanka Bariire ee gobolka shabeelaha Hoose

Wararka  ka Imaanaya  gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay ku dileen xubno ka tirsaa Al-Shabaab, kadib markii ay soo weerareen saldhig ay ciidamada xoogga dalka  ku leeyihiin degaanka  Bariire.

Saraakiisha ciidamada  dowladda Federaalka Soomaaliya ee jooga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay ka war-heleen xogta ah in Al-Shabaab oo weerar ku soo ah, isla markaana ay u diyaar garoobeen.

Ciidamada saldhigga Bariire oo ka tirsan Ururka 143-aad ee  guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga dalka ayaa  Eryay Al-Shabaab weerarka soo qwaaday , waxayna saraakiisha ciidamadaas sheegeen in illaa 40 KM ay sii raacdeynayeen, isla maraana ay gaarsiiyey dhimasho iyo dhaawac badan.

Taliyaha ururka 143-aad guutada 14-ka Oktoobar Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab ka dileen 16 xubnood .

Taliyuha waxa uu sidoo kale sheegay in ugu yaraan 20 kale ay ku  dhaawaceen howlgalkii ay uga hor tageen weerarkaas ay Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigga Bariire.

Taliyaha ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in hadda ay ciidamada dowladdu howlagllo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano hoos taga degmada Awdheegle, kuwaas oo ay ka midyihiin Shaam iyo Baladul-Aamiin oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com