Madaxweyne Deni iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo safar dhulka ah ku Tagay Magalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa safar dhulka ah ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa, waxa Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland uu Hogaaminaayo  ayaa marka hore diyaarad ku tagay Magalada a Cadaado, waxaana la sheegay in ay sababa Amni uga leexdeen Airpor-ka Dhuusamareeb.

Madaxweyne  Deni iyo Wafdiga uu Hogaaminaayo , ayaa ka qayb-gelaya Shirka Arrimaha Doorashada oo dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka uga furmaya magaalada Dhuusamareeeb.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com