Weerarkan ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, waxaana xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi, kuwaa oo sideed oo si aan kala sooc laheyn u xasuuqay dadkii ku sugnaa hotelka islamarkaana ka dagaalamayay kudhawad 8-saac.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in weerarka uu bilowday abaare 5-tii galabnimo ee maanta, ka dib markii kooxaha argagixisada gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay u isticmaaleen buu yiri naftii hallige inuu qaribo naftiisa iyo midda shacabka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhimashada ay tahay 9-qof iyo sidookale 10 -dhaawac ah.
“Inta la xaqiijiyay waxaa weeye dhimashada illaa 9- qof iyo dhaawaca illaa toboneeyo qof ah, oo dhammaantood ay goobta wax ku wada gaareen.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa xusay in sagaalka qof ee dhintay ay afar ka mida yihiin maleeshiyadii weerarka soo qaaday, midkii isku qarxiyay ilinka hore ee hotelka iyo saddex kale oo hotelka ka dhex dagaalamayay, oo markii dambe ay ciidamada dileen, sida uu yiri.
Doodisho ayaa intaa ku daray in dhimashada iyo dhaawacuba uu kordhi karo, balse inta la xaqiijiyay ay hadda tahay tiradaasi.
Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka abaabulan ee lagu ekeeyay Hotel Afrik.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com