Indhacade iyo saraakiil ciidan oo laga soo bad-baadiyay Qaraxa Hoteel Afriik

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Saraakiil Ciidan iyo ganasato kasoo badbaadiyay Qaraxa ka dhacay Hoteelka Afrika ee Muqdisho.

Saraakiisha Ciidan ee laga soo badbaadiyay waxaa ka mid ah Generaal Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah Milkilaha hoteelka.

Waxaa Ciidanka sidoo kale ay kasoo badbaadiyeen hoteelka Odayaal la sheegay in uu shir uga socday goobta.

Wali waxaa laga maqlaya gudaha hoteelka rasaas xoog leh oo ay is weedaarsanayaan dableeydi soo weerartay iyo cidamada dowlada.