Maxuu ka yiri’ Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo?

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka  hadlay shirka Dhuusamareeb ee uu madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in la qabto Isniinta soo socota

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay madaxweyne Farmaajo ka diiday maamulada Puntland iyo Jubland inay doorasho qabtaan, waxaa uuna  ku baaqay inuu madaxweyne Farmaajo xilka ka dego wuxuuna yiri “Aadan Yabaalna abaal la’aan looma soo arooro, ee afartii idlaataye, odayga ha guuro.”

Qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigay bartiisa facebuuga ayaa u qornaa sidaan.

Waxaan soo dhoweynayaa shirka watashiga ah ee uu Madaxweynaha ku baaqay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug oo shirka marti gelinaya. Madaxweyne Farmaajo cid kasta oo muddo xileedkeedii dhammaaday waa ka diiday in ay doorasho qabato. Wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna dalbaday in uu wasaaradda Arrimaha Gudaha ku wareejiyo. Wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Xaaf, wuxuu dalbaday in wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu wareejiyo, wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle, wuxuu ka dalbaday in uu madaxweyne ku xigeenkiisa ku wareejiyo. Wuxuu kaloo diiday in doorashadii Jubbaland iyo Puntland maalin lagu daro.

Maanta uu muddo xileedkiisii dhammaaday waa in uu xilka wareejiyaa, sababtoo ah dastuurna uma oggola, dadna uma dhaqna. Aadan Yabaalna abaal la’aan looma soo arooro, ee afartii idlaataye, odayga ha guuro.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com