Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo dhoweeyay Qaraarkii Matalaada Gobolka Banaadir ee uu saxiixay Madaxweyne Dawlada Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxeynaha Hirshabelle ayaa lagu bogaadiyay xildhibaanada,duubabka dhaqanka iyo dhammaanba intii ku dadaashay sidii gobolka Banaadir uga heli lahaa metelaad Golaha Aqalka Sare ee dalka.
Madaxda Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore u soo dhoweeyay saxiixa uu Madaxweyne farmaajo saxiixay Balse Siyaasiyiinta qaarkood ayaa ka hor yimid kuna tilmaamay mid sharci darro ah xilligaan islamarkaana waqti aan munaasab ahayn lagu soo beegay
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com