Imaaraatka Carabta, Burundi iyo Rwanda ayaa lagu daray “liiska cas” ee dalalka laga mamnuucay in dadkoodu ay safarro ku tagaan UK.
Tallaabada,oo looga gol leeyahay joojinta faafitaanka nooca cusub ee Coronavirus ee ka soo unkamay Koofur Afrika, ayaa dhaqan galaysa maanta oo Jimco ah.
Dadka u dhashay Britain, Ireland iyo kuwa xaqa degganaanshaha ku leh Ingiriiska ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan dalkaas balse waxay ku qasban yihiin inay muddo 10 maalmood ah guriga isku karantiilaan.
Tiro ka tirsan dadka caanka ka ah baraha bulshada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay booqday Dubai iyadoo UK ay mamnuucday safarrada aan muhiimka ahayn.
Waxay ku adkeysteen in safarradooda ay ahaayeen kuwo shaqo, balse Waaxda Gaadiidka ayaa sheegtay inaysan jiri doonin cid loo eegayo xaalad gaar ah, sida safarrada shaqada ku saabsan.
Sidoo kale waxaa la mamnuuci doonaa duullimaadyada sida tooska ah uga timaada Imaaraatka Carabta.
Imaaraatka Carabta wuxuu ahaa halka ugu badan ee ay dalxiiska ku tageen dadka UK bishii November 2020, iyadoo 84,500 oo rakaab ah ay isaga kala gooshayeen dalkaas, sida laga soo xigtay Waaxda Duullimaadka Cirka. Dalalka kale ee ay muwaaddiniinta UK sida aadka ah u booqdeen waxaa ka mid ah Hindiya (54,000), Qadar (38,000) iyo Vietnam (36,000).
Imaaraatka ayaa dalkii 33-aad ku noqonaya dalalka ay UK ka mamnuucday safarrada.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com