Baladweyne, Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen Deegaanka Ceelcade ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa la sheegay in dhowr jiho ka soo gareen deegaanka isla markaana dagaal muda kooban socday la galeen maleeshiyo beeleedyo deegaanka gacanta ku hayay.
lama oga dhab ahaan khasaaraha dagaalkaas ka dhashay balse Ciidamada Alshabaab ayaa hada deegaanka si buuxda gacanta ugu haya.
Weerarkaan ayaa imaanaya xili shalay sidoo kale Alshabaab mudo kooban gacanta ku hayeey deegaanka Farlibaax oo qiyaastii 45 u jira magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com