Dowlada oo ka hadashay dagaal saakay ka socda Beledxaawo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaal qaraar oo ka socda degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbi ayaa sheegay in “jabhad ay soo hubeysay” Kenya ay weerar ku qaaday ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo, kuwaas oo weerarka iska caabiyey, sida uu sheegay.

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo,”

Dowlada soomaaliya degmada Balad xaawo u daabusha cidamadii ugu tirada badnaa ebid kuwaas oo dhawaanahan dhaq dhaqaayo kawaday halkaas.