Kooxda IS oo sheegatay qaraxii gil-gilay magaalada Baqdaad.

Magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka Ciraaq waxaa ka dhacay Qaraxyo gallaaftay nolosha in ka badan 32-ruux, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100-kale sida ay xaqiijisay Xukuumadda dalkaas.

Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in qaraxyada ay ka dambeyeen kooxo uu ugu yeertay Argagixiso, Balse waxaa dusha saartay mas’uuliyadda weerarkaas Kooxda IS oo Bartilmaameedka ku tilmaamay Dadka Shiicada ah.

Wakaaladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee Amaq ayaa daabacday in ujeedkii laga lahaa Qaraxyada laga gaaray sida hadalka loo dhigay, waxaana socda gargaarka loo fidinayo bukaannada dhaawacyada soo gaaray.

Waa qaraxii saddexaad ee ugu khasaaraha badnaa oo ka dhacay Dalka Ciraaq sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, dadka ku dhintay & kuwa ku dhaawacmay waxa ku sugnaayeen Dukaan ay wax ka iibsanayeen.

Ciraaq gaar ahaan Magaalada Baqdaad oo xarunta dalkaas ah waa ay ka xasilooneed qaraxyada tan & sanadkii 2017-kii, sababta waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay dedaal badan geliyeen la socodka xasiloonida & dhaq-dhaqaaqa Caasimadda.

Dowlado kala duwan ayaa cambaareeyay Qaraxyadaan, waxa ay garab istaag u muujiyeen Xukuumadda Ciraaq oo la dhibaatooneysa weerarka dhaliyay dhimashada & dhaawaca dadka u badan rayidka.

Barham Salih Madaxweynaha Ciraaq ee kasoo jeeda Kurdiga ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay bixinayaan fal jawaab u ah weerarka lagu dhiig-daadiyay dadka shacabka ah ee ka dhacay Magaalada Baqdaad.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com