Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubno kale ayaa maanta ka qeyb galay salaaddii Janaasada Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka
Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Dhagajuun ayaa habeen hore ku dhintay rasaas uu furay askari ka tirsan Booliska oo ku sugnaa kontrol ku yaalla isgoyska Howlwadaag, xili gaariga guddoomiyaha uu halkaas marayey.
Dhammaan Dadkii ka qeybgalay janaasadii iyo aaskii marxuum Dhagajuun ayaa waxa ay Alle uga baryeen in uu marxuumka jannadii Firdows ka waraabiyo.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com