khasaaraha ka dhashay dhul gariirkii Turkiga oo sii kordhaya.

Ankara, Waxaa sii kordhaya tirada dhimashada dhul gariirki xalay ku dhiftay bariga dalka Turkiga.

Warbaahinta Gudaha Turkiga ayaa ku waramaya in ilaa iyo hada la xaqiijiyay dhimashada 22 ruux halka 1200 oo kalena ku dhaawacmeen.

Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa intooda badan ku noolaa deegaanka Elazig ee bariga Turkiga.

Shaqaalaha gar gaarka deg dega ah ayaa wali la tacaalaya sidii loo bad baadin lahaa dad ku hoos jira bur burka dhismooyinka hoostooda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com