Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xaruunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay Qarax uu ka dhacay
Qaraxa oo ahaa Bamgacmeed ayaa lala eegtay xaruunta codbixiyaasha Soomaaliland ee Magaalada Laascaanood Qaraxaas oo Khasaare geystay.
Qaraxa ka dib ayaa Waxaa Halkaasi Hawlgal ka sameeyay Ciidanka Booliiska Somaliland, waxaana xabsiga ay dhigeen Dad badan oo Hawlgalka ay ku soo qabteen.
Qaraxa ayaa waxa ku dhaawacmay askar ka tirsan Ciidanka Somaliland iyo qof shacab ah, waxana burbur ka soo gaaray xaruntii la weeraray, sida ay sheegeen Goob-joogayaal.
ma jiro illaa hadda cid sheegatay mas,uuliyada Qaraxaasi waxaana Arintaan ay ku soo aadeeysaa Xilli Somaliland Maalmihii la soo dhaafay Halkaasi ay ka waday Diiwaangelinta Codbixiyaasha Magaaladaasi Laascaanood
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@Aragticusub.com