Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestay go’aankii Xukuumadda

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestay go’aankii Xukuumadda ee arrimaha doorashada.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay Go’aankii ay qaadatay Xukuumadda ee ku aadanaa arrimaha doorashooyinka, xili uu sheegay in weli aan xal buuxa laga gaarin arrinta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi.

Waxa uu sheegay Cabdi Xaashi in wixii ka horreeyay hadalkii Ra’iisul Wasaare Rooble ee shalay ay shacabka Soomaaliyeed rajo ka qabeen in xal laga gaari doono khilaafka ka taagan arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, sidoo kalena la fulin doono natiijooyinkii kasoo baxay Shirkii ka dhacay Magaalada Garoowe.

“Waxaanu halkan ku Cadeeyneynaa in haba yaraatee aysan waxba kajirin hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ah in naloo soo celiyey jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garoowe kadib majirto cid noola timid wax heshiis iyo wada hadal ah” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.