Kenya oo beenisay in Ciidamadeeda cowska ku dhuunteen marki ay soo weerareen Alshabaab.

Nairobi,Warbixin lagu daabacay shalay Wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay in ciidamada kenya Cowska ku dhuunteen markii ay soo weerareen Alshabaab saldhig ciidan oo  lagu magacaabo Manda bay ee ku taala gobolka xeebta.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada kenya ayaa warkaas ku tilmaamay mid dacaayad ah isla markaana ciidamadooda iska difaaceen weerarkaas.

Afhayeenka milateriga Kenya, Paul Njugun ayaa tilmaamay in wax la yaab leh ku noqotay warka ka soo baxay wargeyska ee ahaa in ciidamadooda cowska ku dhuunteen markii weerarku bilowday.

Waxaa uu intaas ku daray in warkaas uu yahay mid lagu bahdilayo awooda ciidamada kenya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wargeyska New York Times oo warbixintiisa soo xiganayay saraakiil mareykan ah ayay ku sheegeen in aad uga niyad jabeen qaabkii ciidamada kenya u dhaqmeen markii Al-shabaab weerarka ku soo qaaday saldhiga Manda Bay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com