Faah Faahino ka soo baxaya gaari Dad shacab ah ay saarnaayeen oo miino ay kula qaraxday gobolka Jubada Hoose

Wararka naga soo gaaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in 5 qof ay geeriyoodeen kadib gaari ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday meel u dhow deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid aha hooyo iyo ilmo ay dhashay oo labo bil jir ahaa,gaariga ayaa la sheegay inuu ka soo baxay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday deegaanka Dhoobley ee goboilka Jubada Hoose.

Degaanka uu gaariga qaraxa ku haleelay ayaa la sheegay in  aysan ku sugneyn ciidamada jubland halkaas oo mararka qaar ay si dhuumaaleysi ah ay ku tagaan Alshabaab oo weerarada ay ku qaadaan ciidamada jubland ka soo qorsheeyaan

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com