Warrarka ka aynu ka heleyno degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubeysan ay sedex qof ku dileen xaafadda buundooyinka ee degmada Waaberi mid kalena ay dhaawaceen sida aysheegayaan Dadka deegaanka.
Illaa hadda ma jiro waxa wara oo ka soo baxay saraakiisha amaanka ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dilka saaka ka dhacay xaafadda buundooyinka.ee degmada Waaberi balse Alshabaab ayaa sheegatay dilka
Alshabaab ayaa sheegtay in Afar Ruux oo ka Tirsan Ciidanka Dawlada Federaalka ay ku dileen Degmada Waaberi ee gobolkaan Banaadir
Shabaab ayaa ku Tilmaamay Askarta ay dileen in ay ahaayeen Dharcad ka Tirsan Hay,adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Nisa Balse shacab ay iska dhigayeen ayaa lagu yiri war Alshabaab ay ku soo qoreen baraha bulshada .
Alshabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dialalka ay ka geysanayeen Muqdisho