Xildhibaanada Muddo xileedkoodu uu dhamadaay ee Golaha shacaabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanada Muddo Xileedkooda uu shalay ka dhamaabay ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho Ajandaha kulanka waxa uu ku saabsan yahay aqrinta 2-aad qoondada Miisaaniyadda 2021, si inta uusan dhammaan sanadkaan 2020 loogu codeeyo.

Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Miisaaniyadda ayaa maanta Golaha horgeeynaya aqrinta labaad ee qoondada miinsaaniyada si ay uga doodaan xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya .

Kulanka Xildhibaanada maanta ay ku yeelanayan Magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya Xilli Gudoomiyaha Golaha shacabka uu ku sugan yahay Magaalada garoowe.

Hase ,ahaate Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Muddo xileedkoodu uu shalay ku ekaa 27 Disember 2016ka ayay markii la dhaariyay Xildhibaanada labada Gole oo 4sano laga joogo balse Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in baarlamaanka 10aad uu sii shaqeynaayo illaa laga helayo baarlamaanka 11aad ee badeli lahaa baarlamaank 10aad.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com