Puntland oo go,aan ka soo saartay Diidmada lacagta shilinka Soomaaliga

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Puntland go’aamisay in 10% canshuurta dekedda Boosaaso lagu qaado Shiling Soomaali,si looga jawaabo cabashada ka timid Ganacsatada.
Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale wuxu sheegay in xukuumaddu go’aamisay in $10 Dollar iyo wixii ka yar aan la isu’gu dirin Karin adeegyada Lacagta danabaysan sida Sahal iyo E-Dahab.
Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in go’aankan ku dhawaaqday xukuumaddasiisa , kadib soo jeedinta Guddigii arrimahan loo saaray iyo latashiyo badan oo dowladdu la sameysay Ganacsatada iyo dadka kashaqeeya arrimaha sicirka sarifka….cod
degaano ka tirsan puntland ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagan sicir barar saameeyay qaybaha kala duwan ee dadka shacabka ahtaasi oo ka dhalatay diidmada lacagta shilinka soomaaliga ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com