Dalka Uk oo go’doon lageliyay & Virus-ka cusub oo si xowli ugu faafayo.

Dalka uk ayaa xiligaani kujiro go´doon aan la ogeeen xiliga uu ku egyahay maadaama wadankaasi dhawaan laga helay cudur cusub oo wato veirus halis ah taasina ay sababtay in wadama badan ay joojiyeen diyaaradihii uk tagejiray iyo kuwii uga imana jiray.

Waxa soo baxaya walaac isa soo taraya oo dunidu ka muujinayso Viruska cusub ee karona ee laga helay Ingiriiska.

Dowlada ayaa sheegtay inay soo rogeyso tallaabooyiin cusub oo lagu xakameynayo feyriska corona.

Khubarada ayaa sheegaya inuu si xawli ah ugu faafayo Britain nooc cusub oo Carona ah kaasoo si fudud ay dadka isu qaadsiin karaan.

Dhanka kale waxaa soo baxaya cabsi ah in noocanii cusub ay si sahlan u qaadi karaan caruurta yaryar.

Illaa 40 dowladood ayaa joojiyey dayuuradihii u kala gooshi jiray UK iyo dalalkooda.

hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegaysa in aan ilaa haatan la hayn wax caddaynaya in fayraskan cusbi ee Ingiriiska laga helay si fudud la isku qaadsiin karo oo uu ka halis badan yahay noocyadii hore u jiray.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com