Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliya xilligan inaysan laheyn Sal fadhiyo.
Waxa uu sheegay marka la fiiriyo sida dowladda Federalka Somaliya u dhaqmeyso ee ku saleysan in dowladaha qaar lala dagaalamo ay tahay arrin aan loo baahneyn xilligan.
Mudane Xasan Sheekh waxaa uu sharaxaad ka bixiyey sababta dalal sida Soomaliya oo kale aan looga baahneyn siyaasad arrimo dibad oo ku saleysan qab iyo caadifad.
“Duruufaheenna, dal soo kabanaya, oo burbur kasoo baxaya marka ay tahay, siyaasadda arrimaha dibadda aad iyo aad ayey muhiim noogu tahay, li’anuu soo kabashadaas ayey qeyb weyn ka tahay, sida aan iib geyno duruufaheenna iyo baahideenna gudaha ka jirta.
Taariikhiyan waxaa la yiraahdaa, dal sida Soomaaliya oo kale burbur ku dhacay, dowladdii ay ka burburtay, ee dowlad fashilantay magaca qaatay, oo hadana dib usoo kabtay, oo galay heerka ah dowlad nugul ama fragile state galay, oo keligiis inta dhibaatooyinkaas oo dhan ka baxay istaagay, oo cagihiisa istaagay ma jiraan, dal kasta oo duruufahaas ay lasoo gudboonaadeen, waxaa soo garab istaagay kaalmo caalami ah, kaalmadaas caalamiga ah mid dalal saaxiibo ah ay siiyeen ha noqoto ama mid multilateral oo dalal isku tagay sida jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa oo siisay ha noqote e, laakin sida badan dalalka burburka ku dhaca keligood iskuma filna iney soo baxaan, innaguna dadkaas Ayaan ka mid nahay, marka maadaama aanan innagu isku filneyn oo aan kaalmo caalami ah u baahan nahay, waxaa u baahanahay oo asal noo ah siyaasad arrimo dibadeed oo aad iyo aad u deggan, dulqaad badan, oo furfuran, soo dhoweyn iyo qadarin badan leh in aan la nimaado ayaa u baahanahay, oo siyaasadeena arrimaha dibadda aaney qab iyo caadifado aaney ku saleysnaanin”.