Taliyihii Qaybta 21aad oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada  Gaalkacyo ayaa sheegaya koonfurta Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax  khasaare sababay

Qaraxa ayaa ku soo aaday  Xilli halkaasi ay ka socotay soo dhowaynta Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo Galabta soo gaaray Gaalkacyo.

Qof ismiidaamiyay, ayaa la sheegay  in uu isku qarxiyay Afaafka hore ee Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise, oo ay ka socotay soo dhowaynta, waxaana Qaraxaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka Qaraxa ku geeriyooday, waxa kamid ah Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen Qooje , Duqii hore ee Gaalkacyo Qaybta Puntland Maxamud Yaasiin Tumay iyo Saraakiil klae oo aan weli magacyadooda la sheegin

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com