9 qof oo ku geeriyootay Roob ka da’ay degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Wararka ka immaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Roob xooganaa oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Xafado katirsan degmadaas ay ku dhinteen dad u badan Dhalinyaro.

Roobka oo biyo badan dhigay xaafadaha degmada Baardheere ayaa dhalinyarada ku geeriyootay oo gaaraya ilaa 10 Ruux oo ay Carruur kujiraan ayaa ku dhacay meel tog ah ama Biyo galeen ah oo kutaalla degmada Baardheere.

Xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Baardheere Buulle Ibraahim Xuseen ayaa sheegay inay hadda wadaan dadaal ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Roobka.

Sidoo kale Xoghayaha wuxuu sheegay in Roobka oo saacado badan d’ayay siwyen looga dareemay degmada Baardheere iyo degaannada hoostaga, hayeeshee ka maamul ahaan ay wadaan dadaalo kala duwan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com