Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka Mamnuucay Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug in uu ka qayb galo kalfadhiyada Baarlamaankaasi

Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa fadhiyada Baarlamaanka maamulkaasi ka mamnuucay Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Calasow.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug  looga hadlayay in Xildhibaankaas uu ku eedeeysan yahay  falal lidi ku ah geedi  socodka howlaha Baarlamaanka iyo in uusan kasoo qeyb galin kulamada Baarlamaanka.

Qaraalka  kasoo baxday Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la ogeesiiyay Madaxweynaha Galmudug ayaa looga mamnuucay Xildhibaanka kasoo qeybgalka kalfadhiga labaad waxaa sidoo kale laga joojiyay gunadii uu qaadan jiray.

Hoos ka Akhriso qoraalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug:

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com