5-kursi golaha Aqalka hoose oo Muqdisho lagu doortay.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu doortay 5 kursi oo ka mid ah Kuraasta Aqalka hoose ee matalaya Gobolada Waqooyi, iyadoo maalintii shalay ahaydna la soo gaba gabeeyey diiwaan galinta Musharaxiinta kuraastan ku baratantay.

Doorashada ayaa ka dhacay dugsiga tababarka booliska ee Jeneral Kaahiye, waxana kuraasta loo tartamay ay kala ahaayeen Hop-225, Hop-202, Hop-210, Hop-208, Hop-233.

Musharaxiinta oo ahaa 10 ayaa waxaa guuleystay 5 ka mid ah iyadoo 5-ta kalana badankoodu ay u muuqdeen kuwa aanay daacad ka ahayn musharaxnimada, oo malxiis ahaan ku yimid madasha.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Cabdiraxmaan Warsame Saciid ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay Hop-225, waxana 96 cod guusha ku raacday Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Kursiga sumadiisu tahay Hop-202 ayaa dhex yaalay Aamino Cumar Jaamac iyo Aamino Cismaan Diiriye, waxana tanaasushay Aamino Cismaan Diiriye, iyadoo cod gacan taag ah oo la qaaday ay eragadii madasha fadhisay ku doorteen Aamino Cumar Jaamac, oo mar kale kursigaasi hanatay.

Faadumo Xasan Cali, Maxamed Haaruun Cabdilaahi, iyo Axmed Cismaan Diiriye ayaa dhamaantood ka guuleystay musharxiintii ay la tartamayeen, iyadoo ay xusid mudan tahay in qaar ka mid ah musharaxiintaasi ay tanaasuleen.

Ergada kursi walba u codeyneysay oo ahaa 101 ergo, ayaa dhamaantood waxaa u xirnaa afka, iyadoo taasina lagu macneeyey cabsi ay ka qabaan Maamulka Somaliland oo goonis isu-taag ku dhawaaqay 1991-dii, isla markaana aan raali ka ahayn in siyaasada Soomaaliya ay dad ku matalaan.

Goobta doorashadda ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi iyo xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwaasoo la socday habka ay doorashaddu u dhaceyso.

Doorashadan ayaanan wax badan ka duwaneyn tii hore ee u qabsoontay xubnaha Golaha shacabka ku matayala Gobolada Waqooyi, waxana musharax walba ku lamaanaa qof malxiis uu ah oo uu isago wato, halka ergaduna ay iibsanayeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com